Wednesday, June 12, 2024
HomeNoloshaXikmado ku saabsan miisaanka nolosha

Xikmado ku saabsan miisaanka nolosha

Caadada ugu xun ee duminaysa noloshaada waa warwarka. 
Waxa aad ka heli kartaa farxada ugu wayn marka aad wax bixiso. 
Khasaaraha ugu wayn ee kugu dhici kara ayaa ah in aad naftaada ixitiraami waydo
Shaqada ku galisa farxada ugu badan waa mark aad dad wax u qabato. 
Astaanta shaqsiyadeed ee ugu xun ee qof  leeyahay waa marka uu yahay danayste. 
Waxa ugu xoog badan ee qof ka dhiga in uu noqdo mid dadaala waa dhiirigalinta. 
Dhibaatada ugu wayn ee uu qof ka guulaysto waa cabsida. 
Hurdada ugu fiican ee uu qof seexan karaa waa marka aanu waxba ka warwaryn. 
Marka aad waxba qabsan waydo, qaladka ugu wayn ee ku curyaaminaya waa marka aad u samayso sabab. 
Awooda ugu xooga badan ee noloshu waa jacaylka. 
Mid ka mid ah ficilada ugu xun ee uu qof sameeyaa ayaa ah xanta. 
Kombiyuuterka ugu cajiibsan aduunka ayaa ah maskaxda. 
Waxa ugu daran ee qof ka luma ayaa ah rajada. 
Hubka ugu xooga badani waa carabka. 
Erayada ugu xooga badan ee uu qof yidhaahdo ayaa ah “Waan awoodaa”. 
Raasamaalka ugu wayn ee qofku leeyahay ayaa ah iimaanka. 
Dareenka ugu liita ee lagaa arko ayaa ah in aad isliido. 
Huga ugu qurux badan ee aad xidhan karto ayaa ah dhoola cadayta. 
Astaanta ugu qiimo badan ee uu qof leeyhay ayaa ah dacadnimda. 
Isgaarsiinta ugu wayn ee dhex marta baryaha iyo la baryha ayaa aha ducada. 
Waxa ugu xoog badan ee uu qof kugu daaran karo ayaa ah xamaasada. 
Noloshu waxa ay kaa dhamaataa marka aanad lahayn riyo maalmeed. 
Rajadu waxa ay kaa dhamaataa marka aad joojiso wax rumaynta. 
Jacaylku waxa uu dhamaadaa marka aad joojiso daryeelka. 
Saaxiibtinimaduna waxa ay dhamaataa marka aad joojiso wax wada wadaaga.
Laanqayrta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments