Thursday, June 13, 2024
HomeNoloshaWeedhaadu saamayn ayay ku leedahay natiijadad rabto

Weedhaadu saamayn ayay ku leedahay natiijadad rabto

Marka aynu xanaaqno ayaa dareenkeenu kor u kacaa, isticmaalnaa erayo amar bixin ah sida aamus, fadhiiso, bax iyo kuwa kaleba. Qofkii aan la hadlaynay ayaa isaguna ka xumaada hadalka adag ee aan kula hadlayno ama aan fulin waxii aan ka rabnay. Taas oo ay sabab u tahay hab u dhaqankeena. Sidoo kalena marka aynu doonayno in aynu caawino qof ayaa doorashada weedheenu keeni karaan in aan qofkaasi aqbalin in aan caawino.

Tusaale ahaan hadii qof hadlaya oo codkiisu kor u kacsan yahay ku tidhaa waad qaylinaysaa ee hoos u dhig codkaaga ayaa waxa kaga haboon adiga oo si yar oo edeb leh, deganaasho ku jirto u waydiinaya, dhehdaa: Fadlan, hoos ma u dhigi kartaa codkaaga, waan kuu dhawahay waanan ku maqlayaa?.

Halkan hoose ayaa waxa aad ka akhrisan kartaa weedho kale oo tusaale ah. Weedhahan oo ku tusaya sida aad u kala dooran karto weedho ku haboon marka aad doonayso in aad qof caawiso, talo siiso ama wax u sheegto.

Ha odhan!
Waa maxay  waxan isku dhexdaadsan?
Dheh!
Waxa ay u eegtahay in aad waqti fiican ku qaadatay halkan. Sidee ayaynu u nadiifin karaa meeshan?
Ma u baahan tahay in lagu caawiyo?  Waxa aan diyaar u ahay in aan ku caawiyo.
Shalay ayaan kuu sharxay sida loo samaynayo shaygan.Ma laga yaabaa in aan si kale kuu tuso sidii aad u samayn lahayd.
Jooji ooyinta!Waxa aad ogaataa in ay caadi tahay in la ooyo, qaladna ma aha in la ooyo.
Wax su´aal ah ma haysaa?Su´aashee ayaad haysaa?
Waad fiican tahay.Sideed dareemaysaa ama sideed tahay?
Taasi mid adag maaha.Waad xalili kartaa wax adag.
Sidaas ha u hadlin.Fadlan, erayo wanaagsan isticmaal.

Akhriste, adiguna waxa aad nagala qayb qaadan kartaa fikradaha ku saabsan talooyinkan. Waxa aad ka soo dhiiban kartaa fikirkaaga, oo aad ku soo qori karto halkan hoose ee loogu tala galay faalooyinka. Ama waxa aad noogu soo diri kartaa mail-ka aan leenahay: contact@laanqayrta.com
Maqaalka: Laanqayrta.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments