Taariikhda Laanqayrta

0
775

aariikhda Aasaaskii Magaalada Hargeysa Ee Caasimada gobolka wa qooyi galbeed Somalia:Bilowgii degitaanka HargeysaHargeysa waxay ahayd goob ay ku baddan tahay dhirta isku cufani oo ahaa kaymo jiq ah, taasi waxay keentay in dadkii degi jiray oo xilligaas ahaa dad reer guuraa ah inay ka firxadaan saddex shay oo ay Hargeysi caan ku ahayd wakhtigaas oo kala ahaa:1. Masas sun halis ah lahaa oo ay hoy u ahayd dhirtan isku cufani2. Libaaxyo raxan-raxan ahaa oo dad iyo duunyaba cuni jiray3. Kaneeco aad u farabaddan oo gabood ka dhigan jirtay dhirta isku dhafan ee goobtani caanka ku ahayd.Saddexdaas arrimood ee aynu soo xusnay waxay halis weyn ku ahaayeen dadkii iyo xoolihii goobtaas ka ag dhaawaa, iyadoo ay taasi jirtay dadka reer guuraaga ahaa ama xoolo dhaqatada ahaa waxay kala dhici jireen xoolaha gaar ahaana geela, waxaana goobtan Hargeysa ku taalo ka jirtay dagaalo ka dhexeeyey dadkii Soomaaliyee ee dagi jiray Hargeysa gaar ahaana waxay isku layn jireen reer oogo iyo reer Guban ama reer waqooyi. Hargeysi waxay ahayd goob cidlo ah oo dagaallo ka dhexeeyaan qabiilooyinka degi jiray agagaarka Hargeysa, waxaan intaasi sii dheeraa dhaca loo gaysto safaarada iskaga goosha Berbera iyo Harar (Itoobiya) oo dadka safarka ah aad loogu dhibay. ka dib waxa shiray culimadii joogtay Harar oo ka damqaday dagaallada iyo safarka dhibta lagu hayo ee ka jira Hargeysa. Waxay soo direen Sheekh Madar Axmed Shriwac (AHN) ayaa loo idmaday si uu u soo afjaro colaada ka jirta Hargeysa oo meel aan la daganayn ahayd ama goob dhirtu meel kasta qarisay.Wakhtigii Hargeysa La Aasaasay 1860-KiiSheekh Madar oo ahaa aasaasihii Magaalada Hargeysa wuxuu soo gaadhay Hargeysa sanadkii 1860kii badhtamihiisii isaga iyo koox culimo ah oo la socotay waxay yimaadeen dooxa Hargeysa oo dhirta ka baxdaa aad iyo aad u farabaddan tahay haddii indhaha faraha lagaa galinayo aanad arkay, madow awgeed.Sheekh Madar oo ahaa qofkii ugu horeeyey ee dega Hargeysa ayaa waysadiisii dalooliyay,dalool yar markaasuu ku yidhi culimadii la socotay “halkan oo dooxa Hargeysa ah ayaynu illaahay ku talo saaranaynaa inuu inoo dooro inaynu degno” Intaasi ka dibn biyihii waysada ee daldaloolka yar ayuu ku shushubay dooxii Hargeysa ilaa ay ka dhamaatay biyihii. Culimadii oo in muddo ah deganayd goobtani waxay xamili kari wayday kaneecadii, masaskii iyo Libaaxyadii ay goobtani amma dooxani caanka ku ahaa.Waxa dhacday in ninkii ahaa mu’adinka oo masaajidkii ka eedaan islahaa uu libaax cunay u sii hor fadhiistay Salaadii subaxa waddada. Ka dib Sheekh Madar (AHN) iyo culimadii la socotay waxay u guureen meesha imika la yidhaahdo dabada cadaada oo ay in muddo ah ay daganaaayeen. xilligaas wuxuu ahaa gu’ roobab mahiigaan ahi ay ka da’ayeen Hargeysa waxay sababtay in meeshan la yidhaa dabada cadaada ay ka dhalatay kaneeco farabaddan taaasina ay markale dhib weyn u keentay jameecadii ama culimadiii degtay.Xaafaddii ugu Horreysay ee Hargeysa laga AasaasayKa dib waxay u soo guureen taaga yar ee xaafadda loo yaqaano jameeco weyn maanta oo kaneecadu ku yarayd. Taasina waxay inoo cadaynaysaa in xaafadii ugu horaysay ee Hargeysa la dego ay ahayd xaafada Jameecada goobta uu masaajidka jameecadu ku yaallo. Sida magaca jameecada laga dhadhasan karo waa eray carabi ah oo macnaheedu yahay dad isku soo ururay ama koox culimo ah. waxaana sheekh Madar (AHN) iyo culimadiisii la socotay ee meeshaasi degtay loogu magac daray jameeco. Mar haddii la damcay in Hargaysa si joogta ah loo dego, waxa lagama maarmaan noqotay in la helo cunto iyo hooygii lagu noolaan lahaa, wuxuuna sheekh Madar ku guubaabiyey culimadii joogtay in dhulka la tabcado, si cunto looga soo saaro, isla markaana la sameeyo beero hadhuudh.Waxa kale oo intaasi ku daray oo uu ka codsaday beesha ku xeel dheer bir-tumista inay soo diyaariyaan boqol gudmood oo dhirta cufan lagu jarjaro. Waxa intaasi xigtay in jameeco weyn laga sameeyo dhul banaana oo ood lagu soo wareejiyey lagana dhigo masaajid lagu tukado diintana lagu barto. Tallaabadii taasi xigtay waxay ahayd in la dhiso guryo ay culimadu ku hoyoto ama ay seexdaan, waxaana la bilaabay in la dhiso aqal soomaali oo xilligaasi ahaa waxa la dhisto oo u sahli karaayey in si dhib yar loo guuro.Haweenka oo xilligaasi ahaa aqoonyahano ku xeel dheer xirfada lagu dhiso aqal soomaaliga ayaa kaalin libaax leh ka qaatay dhismaha guryahan.Sanadkii 1870kii oo ahaa xilligii uu maamulka Turkigu ka talin jiray Somalila, waxay jameecadu yeelatay ciidan ku hubaysan qoryo uu siiyey maamulkii cusmaaniyiintu. Hubkaasi may haysan dadkii reer guuraaga ahaa ee degi jiray Hargeysa agagaarkeeda. In muddo ka dib, waxa muuqatay in masaajidkii ooda ahaa uu dadkii qaadi waayo oo loo baahday in la balaadhiyo, waxaana lagam maarmaan noqotay in dargad weyn laga sameeyo goobta masaajidku ku yaalay. Waa masaajidkii imika la yidhaahdo jameeco weyn. Dawlada maser ee wakiilka uga ahayd dawaladii cusmaaniyiinta ee ka talin jirtay geeska Afrika ayaa waxay kaxaysay dad soo barta xirfada dhisimaha guryaha dhagaxa ah loo dhiso waxa ka mid ahaa Cabdilahi maxamud Hiraab.Gurigii ugu horeeyay ee Hargeysa laga dhiso 1883-kiiSanadkii 1883 ayaa masaajidkii jameecada loo beddalay dhagax ama daar lana dhamaystiray. Waxa kale laga bilaabay tafsiirka Qur’aanka oo si joogto ah loogu baran jiray masaajidka Jameeco weyn, halkaasina waxa inoo caddaatay in gurigii ugu horeeyey ama dhismihii ugu horeeyey ee dhagax ah ee laga dhiso Hargeysa uu ahaa Masaajidka Jameeco weyn sanadkii 1883. Wixii intaasi ka dambeeyey Hargeysi waxay noqotay goob ganacsi oo lagu iibiyo alaabooyinka ay ka midka ahaayeen: timirta, bariiska, buuriga i.w.m.Gurigii Labaad ee Hargeysa laga dhiso 1895-kiiGurigii labaad ee laga dhiso Hargeysa wuxuu ahaa guriga imika ku yaala qudbiga sheekh Madar (AHN) ee xaafada Sheekh Madar ku yaala oo la dhisay 1895, markii hore gurigan waxa iska lahaa nin maalqabeen ahaa oo u dhashay dalka Ingiriiska isagoo ugaadhsanaya ayuu Libaax dhaawac halis ah u gaystay ka dibna waxa daaweeyey sheekh Madar, markaasuu isna gurigiisii ku wareejiyey. Markii uu sheekh Madar (AHN) Hargeysa bilaabay may jirin wax biyo ah oo laga cabo, waxaana laga soo dhaamin jiray ceelka Xaraf ku yaala iyo ceelka Dhogor (Aw-barkhadle) ku yaala.Waxa xusid Mudan in aanu xilligaasi jirin maamul ama dawlad u talisa reer guuraaga oo ay u hogaansamaan, oo aan ka ahayn xooga qabiilnimo, qof waliba wuxuu sitay waran iyo gaashaan oo xilligaasi ahaa hubka ugu xoogan iyagoo halhays ka dhigan jiray maahmaahda soomaaliyeed “Dagaal gondahaaguu ka dhashaa.”Muddo ka bacdi sheekh Madar (AHN) wuxuu Hargeysa ka sameeyey maamul aan ku salaysnayn qabiil kaliya, balse ka kooban qabaa’il kala duwan oo ka tirsanaa Jameecada, Islaam ah, oo lagu maamulo Kitaabka qur’aanka kariimka ah iyo sunaha rasuulka (CSW). Sheekh Madar wuxuu haystay ama aaminsanaa dariiqada qaadiriyada maca jameecadiisa. Sheekh Madar wuxuu nabad waarta ka dhaliyey Hargeysa iyo agagaarkeeda sida uu yidhi qoraaga caanka ah ee F.M. Lewis“Hargeysa waxay ahayd janno nabad ah oo ay ku wareegsan yihiin reero dirirsani.” Hargeysa waa hoygii xoriyadii Soomalia waana mesha laga taagay calan ama astaan ay dadka somaliyeed leeyihiin waxaana wax yaabaha ugu waa weyn ee lagu xassuusto ka mida ina tahay: Hoygii Fanka iyo midnimo somaliyeed. HARGEYSA SOMALIA. FG: walal tariikhda magaalada hargeysa intaan waa ka badan taha Marka intaas ku soo kobeynaa.Fadlan walal shere dheh si ay oga faa’ideys taan walalaha kaleMahad sanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here