Wednesday, June 12, 2024
HomeNoloshaNoloshu Maxay i Bartay?

Noloshu Maxay i Bartay?

Kama baran iskuulka, jaamacaduna may ahayn halkaan aqoonta aan ka siyaadsaday, waxan ka bartay nolosha, guriga Aabahay iyo hooyaday Ilaahay cimrigeeda iyo caafimaadkeeda ha dheereeyee. deegaankuna waxa uu ii ahaa macalinka kale ee ma’daalaha ah ee igu haba nolosha noocyadeeda kala duwan,Waxaan ka bartay casharo aanan ku barteen sanadaha aan wax dhiganayey, hadaba maalin kasta oo cusub oo noloshayda soo marta waxaan u aqaan inay tahay maalin cashar cusub ii ah. oo aan ka faa’idaysto, waxa aan u qaataa Qalin qoran iyo tawaad, sidaa darteed ayaan jeclaadaa in aan safro, bartana dad iyo deegaano kale gadisan. bal illa fiiri akhriste qurub qoraalkan si aad iila qaybsato waxaan bartay, kuwaas oo aan kala kulmay nolosha meertadeeda.

Waxaan bartay in qofkasta oo ka mida dadka aan aqaan ay leeyihiin wax aan ka helo ama i cajebiya sidaa darteed kuma xado woxoogaa, kumana xadgudbo qofkasta oo ay naga dhaxayso xidhiidh diineed, fikir, shaqo iyo bini aadanimo, waxaan bartay inaan xaasidka ka horgeeyo kalgacal, xumaana, wanaag, bakhaltinimadana, deesinimo, fulaynimana geesinimo, gardarana, dulqaad, xumaana, samaan, ximad darana, xigmad, khilaafna, xal joogta ah, carab dalab leh, dabno toosan, Uur mirir leh, calool fayaw, dhirbaaxana, dhunkasho kana fogaado wixii ugu keenni kara dhib, Waxaan bartay, in garashadu tahay abuur Alle, Waxaan bartay inaan odhan wax kasta oo aan garanayo, laakin aan garto waxaan odhanayo.Waxaan bartay in damiirku yahay cod hooseeya oo kuu sheegaya waxa ku sugaya, maalkuna uu yahay khaadim fiican laakiinse uu yahay sayid xun haduu ku maamulo.

Waxan bartay in jacaylka aan samir lahayni uu yahay wakhti lumis, dadkana uu ugu xun yahay qofka aan samir lahayni, waxan bartay in aanan ka murugoon hadii gantaal dilaayi iiga yimaado qofka dadka iigu dhaw, waayo waxa Eabbe iisoo diri qof iga siiba gantaalka oo qalbugayga kusoo celiya nolosha iyo dhoola cadaynta, waxaan bartay inaan qofkeliya riyooyinkaygoo dhan dul dhigin.waxa kale oo aan bartay in noloshu tahay baqasho iyo faraxti isku sidkan.Waxa aan bartay in ay tahay Ooridda wanaagsani ta dhista himilada, hiigsiga , horumarka , hanka hilaadka ,hamiga, horumarka talmoon ee sawjkeeda. sidoo kale oorida gaashaan qaadka ahi waa mid u haysa sawjkeeda qadarin,kal-gacal, jacayl, naxariis, xushmayn iyo maamuus aan abid duugoobay, Waxaan bartay in qofka yididiishaa ka dhigan yahay qof laydh aan joogin arka, qofka dayriyaana ee nacaska ahina uu arko laydh laakiin aanu rumaysnayn,

Waxaan bartay in nolosha dhagaxaan ka buuxdo kumase turun turoonayo waan ururin waxaanan ka dhisan salaan aan ku gaadho guusha.

Casharada aad ka baranaysaa nolosha maaha mid kooban oo faro guud kood ah ,hase ahaateen waa duruus iyo casharo aad iyo aad u fara badan kana badan xajmi iyo xoogba kuwa aan ka bartay school ama jaamacada. hadii aad u dhuglahaato maalintii cusuba waxa aad baranaysaa waayo iyo xaladao cusub waxaa maankaaga ku soo dag-dagaya maah maahda ah (subax iyo sadar sadar baadan ), taasi oo ay dulucdeedu iyo biyo dhaceedu tahay in maalin walba buuga noloshaada ay ka sadar badan tahay waa kasta oo barya, inta aad nooshahay hadii aad is tidhaa qor oo duwaan ku duug dhacdooyinka ay noloshu ku barayso waa mid aanad ka gayoonayn taasina waxa ay igu khasabatay in aan wax badan oo ay noloshu I bartay ka tago oo aan ku soo minguuriyo kuwii ugu muhiim sanaa.

Waxa aan ku ibo-furay nolosha oo ay i bartay in ay noloshuba dhamaanteedba ay tahay in aad hesho ruuxa aad jeceshahay oo aad nolosha la wadaagto, waxaa run oo aaan nina dafiri Karin hadii uu is waydiiyo adi maxay noloshu ku baratay ? in uu xasuusan karo shay masgaxdiisa ku lingaxan oo siyar oo sibikha aan uga fakanayn dihnigiisa iyo maan kiisa oo uu xasuusto marka uu su’aashaa is wadiiyo taasi waa mid dhab ah oo ahayn dhalanteed kuna dhaw dhab ahaanta.

Haddaba Akhriste, adiga maxay noloshu ku bartay?

W/Q: Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Cabdicasiis-Zaciim)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments