Deegaanka

0
807

—12—
QEYBTA 1AAD QODOBO GUUD
Qodobka 1aad Magaca Xeerka

Xeerkan waxaa lagu magacaabaa “Xeerka Maaraynta Deegaanka Somaliland” (Xeer Lr. 79/2018).

Qodobka 2aad Qeexidda Ereyada Si loo fahmo macnaha guud ee Xeerkan, ereyada soo socda waxay yeelanayaan fasiraadda ku hor qoran: 1. “Tayada Hawada” waxa loola jeedaa hawadu sida ay tahay marka la cabbiro wasakhda ku jirta sida uu xeerkani dhigayo. 2. “Hawada inagu xeeran” waxa loola jeedaa hawada inagu xeeran ee ay dadka iyo noolaha kale ku noolyiihiin ee dhulka dushiisaa, waxa aan ku jirin tilmaantan “hawada inagu xeeran” hawada ku jirta meel dhulka hoostiisa ah ama dhisme gudihiis. 3. “Baadhis” waxaa loola jeedaa baadhista curiye ama walxaha si loo ogaado waxa ay ka samaysanyihiin (koobanyihiin) iyo tayadooda, isla markaana la hubiyo saamaynta ay ku yeelan karaa qayb ka mid ah deegaanka. Waxa kale oo ka mid ah baadhista waxyaabaha hawada lagu sii daayo, diiwaangalinta dhawaqa/codka ama gariirka si loo ogaado heerka codka ama gariirku uu gaadhsiisanyahay iyo samaynta uu ku yeelan karo deegaanka. 4. “Guddi ” waxa loola jeedaa Guddiga Dhaqangalinta iyo Dib-u-eegista Heerarka ee ku xusan qodobka 20aad ee xeerkan. 5. “Dhulka culeyska la saaray (Burdened land)” waxaa loola jeedaa dhulka aadka loo isticmaalay ee nabaad guuray ama la waskheeyay, dhulkaas oo amarka culeys ka qaadidda (environmental easement) lagu soo rogay. 6. “Kiimiko” waxaa loola jeedaa nooc kasta oo walxaha kiimikooyinka ah, kuwaas oo la warshadeeyay

—13—
(manufactured) ama si dabiiciya loo sameeyay, waxaana ka mid ah kiimikooyinka warshadaha, sunta cayayaanka, bacriminta iyo daawooyinka. 7. “Wasakh/qashin Dareere ah (effluent)” waxaa loola jeedaa dareere kasta oo wasakh (la sifeeyay ama aan la sifeyn) ah oo ka soo bilawda guri, beer, goob ganacsi ama warshad oo si toos ah ama si dadban loogu sii daayo biyaha deegaanka. 8. “Deegaan” Waxaa ka mid ah waxyaabaha inagu wareegsan sida dhulka, biyaha, hawada dhulka ku xeeran, cimilada, codka, urta, dhadhanka, xaaladaha abuurista ee xayawaanka iyo dhirta, deegaanka dabiiciga ah iyo ka dadku ay sameeyeen. 9. “Hubinta/Dhawrista Deegaanka (Environmental Audit)” waxa loola jeedaa in si nidaamsan oo dhexdhexaad ah loo qiimeeyo sida ay haya’ddaha maaraynta deegaanku u gudanayaan hawlaha ilaalinta iyo daryeelka deegaanka. 10. “Qiimaynta Saamaynta/Raad ku reebidda Deegaanka (Environmental Impact Assessment)” waxaa loola jeedaa in si nidaamsan loo baadho sidii loo ogaan lahaa saamayn ama raad reeb barnaamij, hawl ama mashruuc uu ku yeelanayo karo deegaanka. 11. “Maareynta Deegaanka (Environmental Management)” waxaa ka mid ah ilaalinta iyo daryeelka iyadoo si joogtaysan (sustainable) loo isticmaalayo qaybaha deegaanka. 12. “Kormeerida Deegaanka (Environmental Monitoring)” waxa loola jeedaa in si joogta ah ama wakhtiyo kala duwan (wareeg/periodic) loo kormeero deegaanka si loo ogaado samaynta soo gaadhay ama soo gaadhi karta deegaanka wakhtiga dhaw iyo wakhtiga fog labadaba. 13. “Qorshaynta Deegaanka (Environmental Planning)” waxa loola jeedaa qorshaha wakhtiga dhaw iyo wakhtiga fog iyadoo la tixgalinayo dhibaatooyinka taagan ee deegaanka.

—14—

  1. “Khayraadka Deegaanka” waxa ka mid ah khayraadka hawada, dhulka, dhirta, xayawaanka iyo biyaha oo uu ku jiraan tayada bilicsanaantooda. 15. “Amarka Dib u soo Celinta Deegaanka (Environmental Restoration Order)” waxa loola jeedaa amar la soo saaray sida ku xusan qodobka 55aad. 16. “Walxaha Khatarta/halista ah (Hazardous substance)” waxa loola jeedaa kiimikooyinka, qashinka, neef, daawo, dhir, xayawaan, cayayaan kuwaaso oo dhaawac soo gaadhsiin kara caafimaadka bani’aadamka ama deegaanka. 17. “Qashinka Khatarta ah (Hazardous waste)” waxa loola jeedaa qashin kasta oo ay Haya’ddu go’aamisay in uu yahay qashin halis ah sida ku xusan qodobka 40aad. 18. “Hay`adaha Dawladda ee ay Khusayso” waxa loola jeedaa Wasaarad, Wakaalad, Shirkad dawladeed, iyo xafiis dawladeed oo uu xeerkani awood u siiyay in ay maareeyaan deegaanka ama khayraadka dabiiciga ah. 19. “Wasiir/Wasaarad” waxa loola jeedaa Wasiirka/Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyaga. 20. “Wax Saliid lagu daray/laaqay (Mixture containing oil)” waxa loola jeedaa dareere saliid lagu daray sida uu xeerkani dhigayo. 21. “Qorshaha Deegaanka ee Heer Qaran” waxa loola jeedaa qorshaha ku qoran qodobka 8aad. 22. “Khayraadka Dabiiciga ah” waxaa ka mid ah khayraadka hawada, dhulka, biyaha, xayawaanka, dhirta oo ay ku jiraan tayadooda iyo bilicdoodu. 23. “Cod/Dhawaq (Noise)” waxa loola jeedaa cod/dhawaq kasta oo la dhibsanayo kaas oo waxyeello gaadhsiin kara caafimaadka bani’aadamka ama deegaanka. 24. “Tayada Hawada Goob Shaqo (Occupational Air Quality)” waxa loola jeedaa tayada hawada iyo walxaha ku jira hawada ee goob ay shaqo/hawl ka

—15—
socota oo ah dhisme gudihiis ama dhulka hoostiisa sida uu xeerkani dhigayo. 25. “Saliid” waxaa ka mid ah B. Saliidda qaydhiin, saliidda la sifeeyay, saliidda naaftada, saliidda shidaalka iyo saliidda xaydha baabuurta T. Iyo Saliid nooc kasta 26. “Mulkiile” waxa loola jeedaa: B. Hantiilaha ku qoran dhisme T. Kiraystaha oo uu ku jiro sii kiraystaha dhisme J. Qofka qaata kirada guri/dhisme iskii ha uqaato ama cid kale wakiil ha ka ahaadee X. Qofka ku qoran markab in uu yahay mulkiile. Haddii aan cidna ku qornayn shirkadda markabka wadata. 27. “Waxyaabaha Deegaanka Wasakheeya (Pollutant)” waxa loola jeedaa wax kasta oo dareere, adke ama neef ah kuwaas oo: B. Si toos ah ama dadban u badali kara tayada deegaanka T. Halis ku ah caafimaadka bani’aadamka ama deegaanka, waxaana ka mid ah urta la dhibsado, shucaaca, codka/dhawaqa, isbadelka heerkulka, isbadelka qaybaha deegaanka. 28. “Bi’iye ayaa Bixiya” (Pollutor-pays Principle)” waxa loola jeedaa bixinta kharashka lagu nadiifinayo deegaanka la wasakheeyay, bixinta magadhaw la siinayo dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhay wasakhaynta, bixinta khasaaraha ama kharashaadka kale ee la xidhiidha wasakhaynta la sameeyay. Waxaas oo kharash ah waxaa bixinaya qofka lagu helo in uu wasakheeyay deegaanka sida uu xeerkani dhigayo. 29. “Wasakhayn (Pollution)” waxa loola jeedaa badalidda tooska ah ama sida dadban loogu sameeyo qaabka, muuqaalka, kiimikooyinka, abuurka iyo dabeecadaha

—16—
deegaanka iyadoo lagu siidaynayo/lagu shubayo wasakh waxyeellayn karta caafimaadka dadweynaha, xayawaanka, shimbiraha, duurjoogta, kalluunka, noolaha biyaha iyadoo lagu xadgudbay shuruudaha ogolaansho/ruqsad ee xeerkan. 30. “Taxaddar (Precautionary Principle)” waa mabda’ ku saabsan haddii ay jirto halis ku soo fool leh deegaanka, ha ahaato mid daran ama aan wax laga qaban karin, la’aanta la la’yahay cadayn saynis ama cilmi ku saabsan halistaas, cudurdaar uma noqon karto in dib loo dhigo qaadidda tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu baajinayo tayo daca/burburka deegaanka. 31. “Meel Dhisme ah (Premises)”waxaa ka mid ah dhismayaasha, dhulka, hanti kasta oo la kala dhaxli karo, mashiinnada, warshada oo ay ku jiraan baabuurta loo isticmaalo ganacsiga dhismaha ka socda. 32. “Mashruuc” waxaa ka mid ah mashruuc nooc kasta, barnaamij ama siyaasad la xidhiidha mashaariic saamayn ku yeelan kara deegaanka. 33. “Warbixinta Mashruuca” waxa loola jeedaa warbixin kooban oo ka hadlaya saamaynta ay deegaanka ku yeelan karaan mashaariic horumarineed. 34. “Hirgaliye (Proponent)” waxa loola jeedaa qof kasta oo soo jeediya ama fulinaya/hirgalinaya mashaariic ama barnaamijyada ku xusan Jadwalka Labaad. 35. “Shucaac (Radiation)” waxa loola jeedaa shucaaca yodiyaha (ionizing) iyo shucaac kasta oo waxyeellayn kara caafimaadka bani’aadamka iyo deegaanka. 36. “Qayb deegaan” waxa loola jeedaa qayb ka tirsan deegaanka marka la eego mugga (volume), weynaanta, cadadka, tayada iyo wakhtiga. 37. “Markab/Doon” waxaa ka mid ah nooc kasta oo doon ama markab ah iyo wax kasta oo biyaha dul socda.

—17—

  1. “Carro” waxaa ka mid ah carada dhulka, niista (sand), dhagxaanta, macdanta, dhirta carrada ku taal iyo wax kasta oo carrada la xidhiidha sida boodhka/awaaraha (dust). 39. “Heer (Standard)” waxa loola jeedaa xadka wasakh ee biyaha ama hawada lagu sii dayn karo sida uu xeerkani ama xeerar kale ay dhigayaan. 40. “Horumar Joogtaysan (Sustainable Development)” waxa loola jeedaa in si isku dheelli tiran looga faa’idaysto khayraadka deegaanka horumarna ay u gaadhaan jiilka (generation) hadda jooga si ay baahidooda u daboolaan ha yeeshee aanay waxyeello gaadhsiin jiilalka mustaqbalka sidii ay iyaguna baahidooda u dabooli lahaayeen. 41. “Adeegsiga Joogtaysan (Sustainable use)” waxa loola jeedaa in isticmaalka deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee maanta (wakhtigan la joogo) aanu wax u dhimin ka faa’idaysiga deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee jiilalka soo socda (mustaqbalka). 42. “Ganacsi” waxa loola jeedaa nooc kasta oo ganacsi ah haddii ay noqoto meherad goob/dhisme go’an ku kooban iyo haddii ay noqoto meherad kolba meel u guurta, kuwaas oo isticmaala tamar kuna sii dayn kara (ku shubi kara) deegaanka waxyaabo wasakhaynaya. 43. “Maxkamadda Awooda u leh” waxa loola jeedaa Maxkamadda Awooda u leh Xukunada xeerkanai jidaynayo taas oo ah Maxkamaddaha ku xusan Dastuurka Qaranka JSL, Degmo, Gobol, Rafcaan & Maxkamadda Sare. 44. “Qashin (waste)” waxaa ka mid ah nooc kasta oo qashin ah sida qashin dareere ah, qashinka adag, qashinka neefta ah (gaseous), ama shucaaca kuwaas oo lagu sii daayo ama lagu shubo deegaanka waxyeello ama isbadel ku keeni kara deegaanka. 45. “Biyo” waxaa ka mid ah biyaha la cabbo, wabiyada, durdurka, dooxyada, haraha, barkadaha, ceelasha, biyo xidheennada, gacan biyood, goobaha qoyan

—18—
(buqaha/dhijaamaha), meelaha biyuhu maraan, iyo biyaha dhulka hoostiisa ku jira. QEYBTA2AAD
Qdobka 3aad Mabaadiida Guud

Mabaadiida Guud ee Maaraynta Deegaanku waa:-

  1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado deegaan nadiif ah oo caafimaadka u wanaagsan. 2. Maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyadoo la qaadayo talaabooyin lagaga hortagayo nabaad guurka, deegaanka burburayna dib loo soo celinayo. 3. Waa in laga hortagaain ay iska horyimaadaan awooddaha wasaaradaha maamula khayraadka dabiiciga ah. 4. Waa in la joogteeyaa wacyi galinta bulshada ee arimaha deegaanka. 5. Waa in khayraadka la cusboonaysiin (renewable) karo loo isticmaalo si joogtaysan si wax looga qabto dhibaatooyinka la xidhiidha tamarta ugana faaidaystaan jiilka hadda iyo kuwa mustaqbalka/kuwa soo socda. 6. Waa in la dhiirri galiyaa ka qeyb galka bulshada ee arrimaha la xidhiidha maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyo ka faa’idaysigiisa. 7. Waa in la yareeyo iska hor imaadka ku salaysan deegaankalana hagaajinayo xallinta khilaafaadka iyo maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyadoo wax laga qabanayo arrimaha siyaasadeed ama dhaqaale ee saameeya isticmaalka deegaanka kuwaas oo uu ka mid yahay musuqmaasuqa. 8. Waa in kor loo qaado ka qayb galinta qaybaha bulshada ee ay qusayso ama ay waxyeello ka soo gaadhay si xun u adeegsiga deegaanku. 9. Waa in si siman looga faaidayso khayraadka deegaanka iyadoo la tixgalinayo qaabka uu u shaqeeyo deegaanku si uu u waaro oo aanay dhibaato u soo gaadhin.

—19—

  1. Waa in qiimayn lagu sameeyaa si loo hubiyo waxyeellooyinka deegaanka soo gaadhi kara ama isticmaalka khayraadka dabiiciga ah. 11. Waa in la xoojiyo Horumarka Joogtaysan (sustainable development) dhinac kasta oo ku saabsan deegaanka. 12. Waa in la dhawro dhaxalka dhaqan iyo dabiici ee Somaliland si ay uga faa’idaystaan jiilka maanta iyo kuwa mustaqbalka. 13. Iyadoo la eegayo wakhtiga dhaw iyo wakhtiga fog, waa in la isticmaalo qaabka faa’iidada badan u leh bulshada ama waxyeelada ugu yar soo gaadhsiinaya deegaanka guud ahaansi loo yareeyo qashinka iyo walxaha wasakheeya deegaanka. 14. Waa in manhajka waxbarashada ee heer kasta lagu daraa wacyi gelinta deegaanka. 15. Waa in kor loo qaado sidii loo yarayn lahaa qashinka, dib u isticmaalka iyo dib u warshaydaynta qashinka. 16. Isbadelka cimiladu waxa uu saamayn karaa xeerarka deegaanka iyagoo noqon kara qaar aan shaqaynayn ama la jaan qaada isbadalada dhacay. 17. Qof kasta oo waxyeello soo gaadhsiiya deegaanka waxaa waajib ku ah in uu hagaajiyo (bixiyo) dhibaatada uu u gaystay deegaanka iyo caafimaad darrada ka dhalatay wasakhaynta. 18. Meesha ay jiraan caddaymo ku filan in haliso darani ama aan dib loo sixi karini ku soo beegan yihiin deegaan, la’aanta la la’ yahay caddaymo cilmiyeed (saynas) uma noqon karaan cudurdaar in dib loo dhigo wax-ka-qabasho wax ku ool ah oo lagaga hor tegayo tayo dhaca deegaan. 19. Waa in laga hortago waxyeellaynta deegaanka lana yareeyo ama xakameeyo ficillada waxyeellada ugaysta deegaanka. 20. Waa in la sameeyo heerarka ilaalinta deegaanka si loola socdo is baddalka ku yimaadda tayada deegaanka. 21. Waa in ay Somaliland iskaashi la samaysaa dawladaha kale si loo horumariyo deegaanka.

—20—
QEYBTA 3AAD MAAMULKA
Qodobka 4aad Wasaaradda 1. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa ka masuul ah ilaalinta deegaanka, waanamuhiim doorka ay wasaaraddu ku leedahay dhaqan galinta qawaaniinta deegaanka. 2. Wasaaraddu waa in ay samayso siyaasadda guud ee lagu horumarinayo, ilaalinayo iyo maarayno deegaanka Somaliland. 3. Wasaaraddu waxa ay soo saari kartaa Xeer-nidaamiye ay ku dhaqmaan wasaaradaha kale, waaxyaha dawladda, guddiga qaranka ee talo bixinta deegaanka, guddiga maaraynta deegaanka ee degmooyinka, Hay`adaha dawladda ama kuwa gaarka ah ee ka qayb qaadan kara dhaqan galinta xeerkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here