Wednesday, June 12, 2024
HomeNoloshaDaacadnimadii miyaa laga ilbaxay?

Daacadnimadii miyaa laga ilbaxay?

Yuusuf waxa uu ka shaqeeyaa qaybta xisaabaadka ee hayad dawladeed. Mar Yuusuf iyo hogaamiyihii hayda ay isla eegayeen xisaab xidhka sanada ayaa, hogaamiyihii amar ku siiyay in uu xisaab xidh qalad u gudbiyo dawlada, hadii uu diidana in uu shaqadiisa waayi doono.


Yuusuf waxa uu u sheegay hogaamiyihiisa in aan damiirkiisu siinayn in uu arintaa fuliyo. Arintiina waxa y ku dhaamaatay in Yuusuf shaqdii laga eryay.

Yuusuf waxa ku adkaatay in uu shaqo kale helo oo may noqon sida uu filayay. Mar uu Yuusuf shaqo raadsaday oo loogu yeedhay in la waraysto ayaa waxa uu u sheegay in uu marka uu shaqadiisa ku jiro uu si buuxda daacad ugu shaqayn doono. Shaqo siiyihii waraysanayay ayaa fikirka Yuusuf u arkay wax aan caadi ahayn.

Mida kalena qoyskiisu iyo asxaabtiisu waxa ay kula talyieen in uu ku taagnaada jidka daacadnimada.

Laakiin Yuusuf waxa uu is waydiiyay oo uu shaki iska galiyay naftiisa in daacadnimdiisa uu banaanka ula soo baxayo ay tahay mid u fiican.

Arintaa Yuusuf ku dhacday waxa ay ku tusaysaa run ahaantii waxa ka jira bulshada: in aan had iyo jeer la tixgalin daacadnimada. Xataa waxa jira dad badan oo qofka daacada ah u arka mid daciif ah, siiba marka ay tahay dhinaca suuqa.

-Meesha aan ka shaqeeyo waxa jooga dad badan oo aan daacad ahayn, ayay tidhi gabadh ayaduna ka shaqaynaysay hayad dawladeed.

-Taasina waxa ay keentay in aan cadaadis badan dareemo oo aan sidooda oo kale noqdo, ayuu yidhi Yuusuf.

Beenta ayaa ah shayga ugu badan ee lagu qiyaasi karo daacad darada.
Sida uu baadhitaan uu sameeyay aqoonyahanka cilmi nafsiga ee la yidhaa Robert Feldman, kana tirsan jaamacada University of Massachusetts Amherst, si uu u
ogaado beensheegida ayaa waxa natiijadii soo baxday uu ku ogaaday in boqolkiiba 60 dadka waawayni 10 kii minut ee ay sheekaysanayaanba hal mar been sheegaan.

-Waa anrin la yaab leh, ayuu yidhi aqoonyahanku.
-In sidaa ay u badan tahay beensheegidu uma aanan u malaynayn, ayuu yidhi.

Inksast oo inta badani dadku neceb yihiin marka been la sheego ayaa hadana beentu tahay wax caadi ah. Miyayna arintani wax lala yaabo ahayn?

Maxaa beenta, xaddida, daacad daradu ay wax caadi ah u noqdeen xiligan?
Maxaa saamayn ku yeelan kartaa bulshada?
Sideen uga joojin karnaa, ugana hortagi karnaa arintan caadiga ka noqotay bulshada?

-Sidee ayay kuu saamaysaa daacad daradu?
Waxa laga yaabaa in aad daacad daro ku xalisho dhibaato xili ku haysata, laakiin mustaqbalka fog ayay wax ku yeelaysaa.

Daacad daridaa yar ayaa waxa ay noqon kartaa in aad been sheegto mar ay arin ku haysato si aad u badbaadiso magacaaga. Laakiin beenta aad sheegtay khasaaraha ay ku gaadhsiinayso mustaqbalka ayaa ah in ay sharafta aad lahayd hoos u dhacdo.

Daacad daradu is aaminid la’aan ayay keentaa.
Xidhiidhku waxa uu ku dhisan yahay kalsoonida. Marka laba qof ay kulmaan ayaa xidhiidhkoodu ku dhisan yahay in ay is aaminaan. Is aaminiduna ma aha wax iska timaada kaligeed. Waa mid ku timaada waqti dheer. Waana mid ku dhisanta wada hadal daacad la isu yahay iyo isu tanaasulid.

Ma kugu dhacday arita ah in qof aad saaxiib moodaysay kugula dhaqmay daacad daro? Maxaad dareentay? Waxa ay jawaabtu tahay in uu dhaawac ku gaadhay. Taasina waa mid la fahmi karo. Waxa hubaal ah in daacad daro ay burburisay xidhiidhkii ka dhaxeeyay dad badan.

Daacad daro waxa ay dhashaa daacad daro.
Sida baadhitaan uu sameeyay aqoonyahan xaga dhaqaalaha ah, kana tirsan jaamacadfa Californiya, ayuu ku sheegay in ” daacad darada la is ku daarto”.
Waa sidii Virus-ka oo kale: Inta aad la dhaqanto dad badan oo aan daacad ahayn ayaad adiguna sdiooda oo kale u dhaqmaysaa.

Sideed u noqon kartaa mid aan daacad daro samayn? Waxa aad noqotaa mid go’aan leh oo ay u kala saaran yihiin saxa iyo qaladku.

Noocyada daacad darada.
Beenta
Beenta oo ah in aad u sheegto wax aan sax ahayn ama jirin qof xaq u leh in uu ogaado runta. Waxa kale oo ay beentu noqon kartaa marka aad warbixin sax ayayd si qalad ah u sheegto ama qaybo ka mid ah warbixintaas ka reebto si aad dad ama qof u sirto. Beentu waxa kale oo ay noqon kartaa marka aad buunbuuniso ama wax aad u wayn ka dhigto arin, si aad arin been ah u abuurto.

Xanta
Xantu oo ah in uu qofku war been ah ka sheego qof kale si uu u dhaawaco ama sharaftiisa wax ugu dhimo.

Khiyaamda
In uu qofku wax aan sax ahayn ka gado dadka ama jaro habaabiyo si uu uga helo lacag ama dhaqaale.

Xaddida
Arintan oo ah in uu qofku qaato wax qof kale leeyahay isaga oo aan loo fasixin ama loo ogolaan.

Maxa ay daacadnimadu u cimri dheer tahay?
Erayga daacadnimada ayaa ah mid markasta ku salaysan wanaag heer sare ah; ayna wanaagsan tahay in la dadaalo si loo gaadho.
Dadka ayaa inta badan subaxdii marka ay guriga ka baxayaan waxa ay isku sii fiiriyaan muraayda si ay isu qurxiyaan, dhar qurux badan u gashadaan, si loo arko in ay yihiin dad qurux badan. Hadii ay qofka muhiim u tahay sida uu u eegyahay iyo waxa uu xiran yahay, ayuu xoog saarayaa si uu taas u ilaaliyo. Laakiin waxa haboon in la ogaado in is qurxintaasi ahayn ta la inagu qiimeeyo. Ta muhiimka ah ee la inagu qiimeeyaa ay tahay sida aynu runtii ka dareemayno niyadeena.

Faa’iidada ay leedahay daacadnimadu
Yuusuf oo aynu kaga soo sheekaynay bilowga maqaalka ayaa waxa uu ogaaday in ay daacadnimadu tahay mid cimri dheer. Daacadnimadiisii ayaa waxa uu ku helay magac wanaagsan, waxana shaqa siiyay shirkada aad ugu faraxan daacadnimadiisa.

– Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan helay shaqo aan ku joogo niyad nadiif ah oo aan warwar lahayn, ayuu yidhi Yuusuf.
Qoraalka: laanqayrta.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments